History

Taariikhda Xisbiga

Xisbiga Midowga Qaranka Soomaaliyeed waa xisbi ka tirsan axsaabta siyaasadeed ee dalka ka jira. Xisbigu waxa uu shahaadada aqoonsiga ka helay gudiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka markii ay taariiqdu abeyd 09/03/2019.

Midqaran waxa uu ka dhashay dhaqdhaqaaqii Uistaag Soomaaliya ama loo yaqaanay–U istaag Soomaaliya (Stand Up for Somalia) kaas oo soo bilowday sanadkii 2014-ka u jeedadiisuna ay aheyd in ay muhiim tahay waqtigan la joogo in aqoonyahanka iyo waxgaradka Soonaaliyeed ay qeyb muuqata ka qaataan sidii loo heli lahaa qaran Soomaaliyeed oo soo ceshada sharafkii iyo karaamadii uu caalamka ku lahaa sidoo kale sidii loo samata bixin lahaa shacabka Soonaaliyeed oo ay soo daashatay dowlad la’aanta iyo faqriga oo ay ugu darsoontay xaalad amni daro uu dhiiga shacabku iska qubanayo si loo soo celiyo nidaamkii iyo kala danbeyntii dalka, kalasoonidii ay shacabku ku qabeen dowladooda, meeshana looga saaro qatarta ay kooxaha xag-jirka ah ku hayaan shacabka Soomaaliyeed. 

Xisbiga midqaran waxa uu aaminsantahay in la helo nidaam dowli ah oo ka fog qabyaala, musuqmaasuq iyo xoolaha dadweynaha oo lagu tagri fasho sidoo kale in dib u habeyn xoog leh lagu sameeyo nidaamka cadaaladda ee dalka lana dhameys tiro. Xisbiga midqaran waxa uu aaminsantahay in la helo nidaam dowli ah oo ka fog qabyaala, musuqmaasuq iyo xoolaha dadweynaha oo lagu tagri fasho sidoo kale in dib u habeyn xoog leh lagu sameeyo nidaamka cadaaladda ee dalka lana dhameys tiro.

Scroll to top