Mudane/Marwo,
Xisbiga Midqaran waa xisbi siyaasadeed oo loo aas-aasay in uu qeyb ka qaato sidii ummadda Soomaaliyeed looga saari lahaa xaaladda cakiran oo ay ku soo jireen muddada sodon ka (30) sano ah. Midqaran waxa ka go'an in uu ilaaliyo midnimada iyo qarannimada ummadda Soomaaliyeed lana dagaalamo qabyaaladda, nin jecleysiga iyo musuqmaasuqa oo aan wada aragnay natiijada laga dhaxlay. Sidoo kale, xisbigu wuxuu u taaganyahay in uu difaaco xuquuqda muwaadinka Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka jilicsan iyo in la helo cadaald loo wada siman yahay.
Hadaba, xisbigu ma sameyn karo isbedeladaas, waxaan u baahanahay shacab weynaha Soomaaliyeed ee nala wadaaga aragtidaas in ay nagu soo biiraan si aan u wada xaqiijino aragtidaas. Xisbigu waxa uu leeyahay qaab-dhismeed heer qaran, haar maamul goboleed, heer gobol, heer dagmo iyo heer xaafadeed si loo dhiiri galiyo ka qeyb-qaadashada bulshada. Hadaba, hubi shuruudaha ka mid noqoshada xisbiga si aad isku diwaan galiso.
SHURUUDAHA KA MID NOQOSHAHA XISBIGA
Qofka doonaya in uu xubin buuxda ka noqdo xisbiga Midqaran waa in uu:
WAXAAN RAJEYNEEYNAA IN AAD NOQOTO XUBIN MUHIIM AH OO KA TIRSAN XISBIGA MIDQARAN!